Xildhibaanada Barlamaanku Oo Su’aalo Weydiiyeen Wasiiro Labo Ah Oo Ka Tirsan Xukuumadda Saacid.

0
466

Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji Adam,Wasiirada Arrimaha dibadda ahna raysalwasaare kuxigeenka dawladda federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa maanta su’aalo lagu weydiiyey Xildhibaanada baarlamaanka hortooda Si Ay Kaga Jawaabaan.

Maanta Kulankii su’aalaha lagu weydiinayeywasiiradan waxaa soo xaadirey 145 Xildhibaan, waxaana shirguddominayey Afhayeenka baarlamaanka prof.jawaari Iyadoona
Labada wasiir ayaa horey Shirguddoonka baarlamaanku ugu yeeray si ay uga jawaabaan su’aalo la xiriira shaqadooda, kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanadu codsadeen.

Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji Adam,Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa la weydiiyey waxa ay kala socota wararka sheegaya in la gatey dhismihii safaaraddii Soomaaliya ku lahayd dalka Talyaaniga iyo inla kireeyey.

Foosiyo ayaa arrintaas uga jawaabtey in ay guddi u saareen isla amrkaana daba galayaan arrintaas wixii ka soo baxana ay horgeyn doonaan baarlamaanka Soomaaliya. Waxaana ay raaligelin ka bixisey in arrintaas baarlamaanka aan lala socodsiin haddana ayku daba jiraan sidii loo soo afjari lahaa.