Waxaa maanta ka dhacey xerada xalane oo hoy u ah ciidamada Amisom horena u ahaan jirtey xero mucaskar ciidamada qaranku tababar ku qaadan jireen shir lagu maamuusayey maalinta loo asteeyey dhawrista xuquuqda insaanka.
Ciidamada amisom qeybtooda arimaha siyaasada iyo bulshada oo xarun ay halkaasi u tahey ayaa soo abaabushey shirkan,iyadoo ay kasoo qeyb geleen madaxda hey’adaha qaramada midoobey qaar kamid ah,kuwa magac u yaalka iska ah ee soomaalida maamulki dalkoodana lagala wareegey ,kuwo lagu qaraabto oo isku sheega ururada bulshada iyo marti sharaf lagu casumey.
Siyaasiyiin soomaali ah ayaa sheegey in ay xuquuqul insaanka ay xadgudub ku tahey shirkaas meesha lagu qabtey iyo cida soo qabanqaabiseyba waxey ku xadgudbeen dadka soomaaliyeed oo loo baahnaa in ay shirkaas u qabtaan gudiga dastuurku tilmaamayo,ama madaxdooda heer qaran,gobol iyo degmo,balse waxaan meesha ku jirin in iyadoo dad lagu xad gudbayo la yiraa xuquuqul insaan ayaa laga hadlayaa.




