Al-shabaab Oo Lagala Wareegay Gacan Ku Heynta Magaalooyinka Mahadaay Iyo Jowhar.

0
517

Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe Oo Ay Ka Talinjireen Al-shabaab Ayaa Maanta Waxaa Weerar Xoogan Ku Qaaday Ciidamada Dowlada Soomaaliya Iyo Kuwa Amisom Iyagoona Ugu Dambeyntii Ku Guuleestay In Ay Kala Wareegaan Al-shabaab

Weerarka Maanta Jowhar Ay Ku Qaadeen Dowladaha Iskaashanaya Ee Amisom Iyo Kuwa Soomaaliya Ayaa Lagu Soo Waramay In Al-shabaab Wax Dagaal Ah Kala Kulmin Oo Ay Gudaha U Galeen Haseyeeshee Kuwa Al-shabaab Ee Ku Sugnaa Magaalada Jowhar Ayaa Markii Ay Maqleen In Ay Ciidamada Dowlada Ku Soo Wajahanyihiin Ay Isaga Bexeen Guud Ahaanba Magaalada Jowhar

Saraakiisha Ciidamada Dowlada Ayaa Xaqiijiyeen La Wareegida Jowhar Iyagoona Tilmaamay In Sii Socondoonaan Ilaa Ay Ka Xaqiijinayaan Gacan Ku Haynta Dalka Balse Ilaa Iyo Haatan Ma Jiro Masuul Ka Tirsan Al-shabaab Oo Ka Warbixiyay Ka Bixitaanka Ay Hureersadeen Magaalada Jowhar Iyagoo Aan Wax Dagaal Ah La Galin Dowlada