Hay’adda Nabad Sugida Oo Soo Bandhigtay Rag Ay Ku Sheegeen In Ay Ka Soo Baxsadeen Al-shabaab.

0
564

Qaliif Axmed Eger Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Ee Gobolka Banaadir Ayaa Maanta Ka Waarbixiyaya Dhaliyaro Uu Ku Tilmaamay In Ay Ka Tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab Haatanna Uu Sheegay In Ay Ku Soo Biireen Dowlada Soomaaliya.

Agaasimaha Ayaa Sidoo Kale Tilmaamay In Ay Ku Soo Biirida Dhaliyaradaan Ay Ku Soo Biireen Dowlada In Ay Sabab U Tahay In Dagaalyahanada Shabaab Ay U Muuqato In Ay Ku Fashilmeen Dagaalada Ay Kula Jireen Dowlada Soomaaliya Haatana Ay Guuto Guuto Uga Soo Baxayaan Saraakiishii Al-shabaab U Dagaalami Jiirtay.

Mid Ka Mid Ah Ragaani Sheegtay In Ay Ka Tirsanaayeen Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab Haatana Ay Ka Soo Goosteen Ayaa Sheegay Waxa Ay Ku Doorbideen In Ay U Soo Goostaan Dhanka Dowlada Isagoona Xusay Saraakiisha Dowlada In Ay Si Wanaagsan U Soo Dhaweeyeen Lana Shaqeyn Doonaan Dowlada Soomaaliya.

Soo Bandhigida Ragaani Maanta Ay Soo Bandhigtay Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Ayaa Imaanaya Xilli Maalmahaanba Ay Wadeen Ciidamada Nabad Sugida Magaalada Muqdisho Ka Wadeen Howlgalo Lagu Sugayo Amaanka Loogana Hortagayo Falalka Amni Daro Ee Ka Ka Jiray Goobaha Ay Maamulaan.