Waxaa laga dareemayaa meelo badan oo puntlan ah cabsi iyo welwel la xiriira amniga iyo dhaqaalaha puntland kadib dhamaadka waqtiga uu m/weyne faroole xilka hayo.
Waxaana puntland kusoo qul qulaya qurbajoog damac siyaasadeed ka leh hugaaminta puntland oo wacad ku maraya in aan faroole saacad loogu dareyn waqtigiisa puntland waxey geli doontaa isbedel c/raxmaan faroolena waa in uu xasuustaa sidii xilka looga wareejiyey m/weynihii isaga ka horeeyey cadde muuse,isla markaa waa in uu xasuustaa dawladii kumeelgaarka aheyd ee sh shariif iyo c/weli cali gaas intaba isagaa ugu horeeyey dadki lahaa waqti yar looguma dari karo ee waa in ay ka wareegaan meesha ayuu yiri mid kamid ah wax garadka kasoo jeeda puntland oo la hadlayey warbaahinta.
Dhanka kale ganacsato badan ayaa ka wareegey puntland una wareejiyey ganacsigoodi meelo kale kadib markii la saarey canshuur saa’id ah,taasoo dadka puntland ku keentey cabsi la xiriirta sicir barar iyo maciishada oo kor u kacda iyadoo xarakada alshabaab oo taageero ka helaya shacabkuna ay weeraro joota ah ku hayaan.
Si kastaba ha ahaatee xaalada puntland ayaa waxaa laga dareemayaa kacsanaan iyo warar xambaarsan cabsi iyo welwel kusii fogaanaya deegaanada ay ka koobantahey puntland dhawaan ayeyna aheyd markii shacabku ku mudaharaadeen iyagoo kasoo horjeeda xukunka faroole halkaasoo illaaladiisu ku xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.




