Maamulka kmg ee uu hugaamiyo sh/axmed maxamed axmed madoobe oo sheegey in aanu cagta soo dhigi karin gobolada jubooyinka taliyihii hore ee nabadsugida gen.maxamed warsame darwiish…

0
512

Iyadoo uu u ambabaxey dalka kenya gud.maamulka kmg ee kismaayo axmed maxamed islam oo loo yaqaan axmed madoobe ayaa waxaa lagu soo waramayaa in gebi ahaanba laga mamnuucey gen. Maxamed warsame darwiish iyo ninka ay aadka isugu dhawyihiin prof. Gaandi.

Mamnuucida genanka ayaa ka danbeysey iyadoo la sheegey in uu xiriir dhaw la leeyahey ninka ay sida xun isu hayaan axmed madoobe oo ah prof. Gaandi oo hada la sheegayo in uu iska tagey aadeyna xagaa iyo dalka faransiiska oo uu degenyahey.

Axmed madoobe iyo prof gaandi ayaa waxaa ka dhaxeeyey loolan ku aadan qadiyada jubooyinka waxaana kala watey kenya iyo ethiopia,hase yeeshee waxaa hada ku adkaadey loolankaas sh/axmed madoobe oo hada heley qandaraas kale oo ah in axmed madobe u xilsaaranyahey la dagaalanka jabhada ONLF,isagoo ku bedelanaya miizaaniyad loo soo marinayo ama loogu darayo ismaamulka somalida,waxaana hawshaas isku xirkeeda qabtey madaxweynaha ismaamulka soomaalida ethiopia gumeysato,Cabdi maxamed cumar,gen.darwiish ayaa isaguna eedey xiriirka uu la lahaa prof.gaandi oo dani badey in uu iska tago.