Xildhibaan c/wali cali gaas oo doonaya in uu faroole raaciyo labo shariif(sh sharif iyo sharif xasan)

0
503

Ra’iisalwazaarihii hore ahna xildhibaan c/wali cali gaas ayaa muuqda in uu doonayo sidii uu madaxweyne faroole meesha uga bixi lahaa si ay isu raacaan ragii ay soo wada shaqeeyeen waa m/weynihii hore sh shariif sh axmed iyo gud.hore ee barlamaanka sharif xasan.

C/wali cali gaas ayaa ah ninka loo aaneeyo in ay saaxada siyaasada soomaaliya ku soo laabtaan iyagoo si aad iyo aad ah dadaal u galey balse ay ku hungoobeen marka laga reebo xilka xildhibaannimo oo ay gacantooda isku qoreen c/wali cali gaas iyo sh xasan sh aadan,waxaana soo ifbaxaya in c/wali gaas uu hada puntland u tagey in uu ka noqdo m/weyne puntland isla markaana uu eedii ugu horeysey abid uu u soo jeediyey maamulka puntland,waxa uu sheegey c/wali gaas in dadka reer puntland aysan heysan xoriyatul qawlka shirarka oo aan leysugu iman karin iyo muddo kororsi aan shacbigu rabin.

Eedahan iyo khilaafka kasoo baxaya faroole iyo c/wali gaas ayaa imanaya xili hada xukuumad bedesha tii uu hugaaminayey c/wali gaas la diyaarinayo,isagoo ka door bidey in uu puntland safar u aado maalintii uu xilka wareejiyey maalintii ku xigtey taas oo muujinaysa in c/wali gaas doonayo in uu faroole afka ciida u daro kana dabageeyo saaxiibadii aan kor kusoo sheegney.