Hugaamiyaha al-qaida sheekh ayman azawahiri oo cajalad maqal ah soo dhigey barta internetka.

0
485

Hugaamiyaha al-qaida shekh ayman azawahiri ayaa barta internetka waxa uu soo dhigey cajalad maqal ah,isagoo hadalkiisa ku bilaabey aayado qur’aan ah oo ka hadlaya jihaadka iyo balanqaadka eebbe.

Shekh ayman ayaa hadalkiisa ku soo qaatey xarakada alshabaab oo alqaida uga wakiil ah bariga afrika kuwaasoo uu ku booriyey in ay weerarada badiyaan sidoo kale is qarxinta iyo weerarada gaadmada ah,isagoo ka dalbadey in ay alshabaab soo dhaweeyaan qeybaha bulshada iyo qabaa’ilka soomaaliyeed sida culimada,dhalinyarada,odayaasha iwm.

Lama garanayo waxa xilligan kusoo beegey in shekh ayman uu culimada islaamka ka dalbado in ay fitwo kasoo saaraan dagaalka u dhaxeeya muslimiinta iyo gaalada saliibiga ah,mana aha markii ugu horeysey oo hugaamiyeyaasha alqaida ay caalamka la hadlaan,waxeyse u badantahey in uu shekhu hadalkiisa ugu talagaley doorashada ka socota waqtigan dalka mareykanka isagoo cadeynaya in alqaidda nooshahey kana hawlgasho meelo farabadan oo caalamka ah si uu isugu soo jeediyo shacabka iyo siyaasiyiinka codka doonaya ama uu xusuusiyo balan qaadyadii hore ee ahaa in alqaidda cagta la marinayo in aan waxba ka jirin ayna beenaanayaal yihiin,si ay cod u waayaan.