Waxaa si lama filaana uga soo cusboonaadey dagaalo hore uga dhacey somaliland iyo maamul la magac baxey khaatumo state,dagaalkan ayaa sida la sheegey wuxuu ka dhacey agagaarka buuhoodle,waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada somaliland ay qabsadeen meelo ay maamulayeen khaatumo state.
Maamulka somaliland ayaa ku andacoonjirey in shacbiga somaliland lagu diley hubkii lagu soo gadey canshuurtii laga qaadey iyaga isla markaana ay ka go’een soomaaliya inteeda kale,taas oo ay maanta iyaguna faraha kula jiraan mid u dhiganta mida ay ka cabanjireen waana mida la xiriirta weerarka ay somaliland ku qaadey deegaanada ay khaatumo state maamusho.
Dagaalkan ayaa imanaya iyadoo somaliland sheegtey in ay la heshiisey jabhadii khaatumo iyadoo laga dhigey wasiir gudoomiyihii jabhada khaatuma ninka lagu magacaabo xaglo toosiye oo isagu hada kamid ah wasiirada somaliland.




