Ra’iisalwazaare ku xigen ahna wasiirka arr-debedda gabadha lagu magacaabo fawsiyo yuusuf xaaji aadan ayaa cadeysey in somaliya iyo somaliland ay u simanyihiin ayna u wada shaqeyneyso.
Hadalkan kasoo yeerey wasiirada ayaa dad badan shaki gelinaya kuwaasoo ka dhursugayey midnimo iyo heshiis ka dhasha wadahadaladii kal hore ka billawdey londõn kuwaasoo la filayey in ay billawdaan kolka xukuumada dr saacid ay hawlgasho,wasirada ayaa hadalka u dhigtey sidii labo dal oo siman,waana qodob ay ku doodi karaan xildhibaanada diidan xukuumada tirada yar iyo beelaha aan ka muuqan tirada wasiirada tobanka ah.
Somaliland ayaa hore u cadeysey mawqifkeeda ku aadan xukuumada la magacaabey,waxeyna sheegtey in aaney xukuumadaas ku jirin cid metesha,waxaana laga yaabaa in ay ugu laab qaboojineyso shacabka halka siyaasiyiintu ay aad uga caroodeen kursiga ay ku fariisatey ina yuusuf xaaji aadan qabille oo aabahed allaha u naxaristee uu ahaa nin la xushmeeyo caanna ku ahaa ragii tacliinta soomaaliya tiirarka u taagey.
Wali lama oga qorshaha siyaasadeed ee xukuumada dr saacid uga degsan somaliya iyo somaliland,waxaase la arki doonaa hadii alle idmo dhawaan marka baarlamaanka la hortago insha allaah.




