Maxaa ka jira wararka sheegaya in m/weyne xasan sheekh gurguurte uu doonayo dhamaan shaqaalaha tobanka wasaaradood iney noqdaan ardeydiisii machadka SIMAD.

0
472

Warar laga helayo illo xog ogaal ah ayaa sheegaya in m/weyne xasan shekh gurguurte uu doonayo in la shaqaaleeyo dhamaan ardeydii uu macalimka u ahaa ama kasoo baxdey machadkii uu maamulijirey ee simad.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhawaan uu magacaabey gudi u xilsaaran fulinta hawshaas ayna sameeyeen form laga buuxinayo dhamaan shaqaalaha wasaaradaha,dabadeedna la rabo in la yiraa shaqaalaha oo dhami ma ahan kuwo buuxiyey shuruudihii laga rabey shaqaalaha marka la finishana la keenayo ardeydii wax kasoo baratey machadka simad oo kuligood hore u ahaa xisbiga horumarka iyo nabadda,iyadoo ardeydaas lagu arki jirey wadooyinka muqdisho waqtigii ololaha doorashada madaxweynenimo lagu gudajirey.

Hawshan ayaa waxaa la sheegayaa in ay dhinac socon doonto indha sarcaadka bulshada inteeda kale loo sameyn doono,waana qorshe qiyaano qaran u muuqda oo hadii m/weynuhu isku dayo keeni karta in mooshin ka dhan ah m/weynaha ay baarlamaanku keenaan,waxase wax lala yaabo ah in shaqsi kasta oo loo maleeyo daacad marka xilka loo dhiibo uu la soo baxo khiyaanooyin iyo xirfado cusub oo aan laga fileyn,hadaba waxaa la sheegayaa in waqti xaadirkan la bilaabey in wasaaradaha dawlada maalinba mid la geeyo formamkii ay soo diyaariyeen gudigii loo xilsaarey in ay hirgeliyaan baneynta boosaska shaqaalaha,taas oo lamid ah m/weyne xasan sheekh oo yiraa dhamaan shaqaalaha dawladu waxey noqonayaan beesha cali gaaf ee m/weynuhu ka dhashey.

Wararkan ayaa soo baxaya xilli la hadal hayo in tobanka wasiir ee hada la magacaabey in m/weyne xasan sheekh uu isagu keeney ra’iizalwasaaruhuna uu magac u yaal yahey wixii la yiraa sameena uu sameynayo,mar hadii taasi dhacdeyna aysan waxba ku jabneyn in leysku dayo mida hore aan u soo sheegney.