Dhalinyaro bastoolado ku huebysan ayaa habeenkii xalay ahaa xaafada Barwaaqo ee Degmada Deyniile ku dilay wiil dhalinyaro ah kaasoo magaciisa lagu sheegay C/fataax Faarax waxaana la sheegay in wiilkaasi Mehrad ganacsi ku lahaa Xaafada Gubta Ee Gudaha Magaalada Muqdisho.
Kadib Markii Ay Rasaasta La Dheceen Wiilkaasi Dhaliyarada Ah ayaa waxaa goobta ka baxsaday kooxihii ka dambeeyeen dilka wiilkaasi oo ka Mid Ahaa shacabka ku ganacsata Xaafada Gubta Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Dilkaani Loo Geestay C/fataax Faarax Ayaa Ilaa Iyo Haatan jirin cid loo soo qabtay Iyadoona Falkaani Ay Ka Qeybtahay Dilalka Ka Dhaca xaafada Gubta Degmada Deyniile Iyo Waliba Guud Ahaan Magaalada Muqdisho.




