Xildhibaanada Baarlamaanka Fadhigoodii ayaa waxaa maanta hortagey Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Raysalwasaaraha Soomaaliya Iyo golaha Wasiirada cusub Ee Uu Soo Magacaabay Saacid.
Mudanayaashab Baarlamaanka Ayaa loo qaybiyey nuqulka Barnaamijka xukuumadda Iyadoona Fadhiga ay ka soo qaybgaleen Xassan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxaana fadhiyey Xildhibaano gaaraya 225 Mudane.
Ugu Horeyn Saacid ayaa codsadey in saxaafadda banaanka loo saaro, marka uu jeedinayo khudbadda markii codeynta la guda galayna waxaa hoolka ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ilaa Iyo Haatanna lama oga waxa gaarka ah ee raysal wasaaruhu u sheegay Xildhibaanada markii saxaafaddu Banaanka Loo Saaray.
Cod aan qarsoodi ahayn oo gacan taag ah Ayay Mudanayaasha Baarlamaanka ku meel mariyeen xukumadda isla markaana siiyey codka kalsoonida 10-kii Waziir Oo Uu Soo Bandhigtay Ra’iisul Wazaaraha Soomaaliya Mudane Shirdoon Saacid.
Mr.Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqey In Ay 219 Xildhibaan oggolaatey Xukuumadda cusub 3-na ay diiday halka 3 kalena ay ka aamuseen Wuxuuna Jawaari sheegay in maalinta berri ah Mudanayaasha baarlamaanka lagu hor dhaarin doono Golaha Wasiirada 10 Tobanka Ah.
Raysal wasaare Saacid Ayaa Ansixinta kadib u mahad celiyey Xildhibaanada waxaana uu sheegay in xukuumadiisu wax badan kaqaban doonto amaanka iyo horumarka dalka Soomaaliya.




