Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa ku ridey xukunno kala duwan, gudoomiye ku xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida liibaan cali yarow ayaa sheegey in maxkamadu dhageysatey marqaatiyo isla markaana tix gelisey difaaca qareenada u doodayey eedaysanayaasha.
Gudomiye ku xigenka maxkamada ayaa 19ka mid ah dhalinyaro maxkamada la hor keeney ku xukumey min 5 sano oo xarig ciidan ah,iyadoo 2 kamid ah dhalinyarada la siidaayey kadib markii wax denbi ah lagu waayey halka qaar kale oo dhalinyaradaasi ah ay maxkamadu amartey in lagu wareejiyo ciidanka nabadsugida qaranka si loo dhaqanceliyo mudo 6 bilood ah.
Maxkamada ciidamada qalabka sida õo lagu yiqiin gen.muungaab ayaan la maqlin mudooyinkan iyadoo ay hawlaheedu gaabis noqdeen xasan muungaabna aan maqal iyo muuqaal midna laga heyn taas oo markii la maqlo askartu aad uga baqanjireen iyadoo laga quustey amniga ayeyna maxkamadani askarta la dagaalantey aad ayaana loogu diirsadey iyadoo muran kajiro xukuno rayid ah oo aan laheyn astaan ciidan ama qalab ciidan oo ay denbi ku galeen in ay qaado dacwadahooda hadana shaqadeedu waa muhiim.




