Afhayeenka xarakada alshabaab shiikh cali dheere oo la hadlayey warbaahin afka shabaabka ku hadasha ayaa muujiyey niyad sami iyo kalsooni ay qabaan xarakada alshabaab isagoo sheegey in ay dib u qabsan doonaan,isla markaana ay kordhin doonaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dawlada iyo kuwa amisom.
Shiikh cali dheere ayaa guulo ka sheegtey dagaalo dhawaan ka dhacey gobolo kala duwan oo dalka soomaaliya gudihiisa ah,xarakada alshabaab ayaa waqtigan adeegsada tabo kala duwan oo xaga dagaalka ah iyagoo indhaweydba gudaha dalka kenya u gudbiyey dagaalka kadib markii ciidamada dalka kenya gudaha dalka soomaaliya soo galeen.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dadku ka dhursugayaan xukuumada saacid in lagu dhawaaqo waqtiyada dhaw ee soo socda hadii eebe weyne laga hello,mana jiro wax sansaan nabadeed ah oo ka soo muuqda siyaasadaha isdiidan ee u dhaxeeya shabaabka iyo dawlada.




