Ciidamada gaaska 2’aad ee xooga oo soo bandhigey rag iyo hub ay sheegeen in ay ka soo qabqabteen degmooyinka gobolka banaadir.,…

0
533

Ciidamada gaaska 2’aad ee madaxtooyada ayaa soo bandhigey hub iyo walxaha qarxa iyadoo sidoo kale la soo bandhigey rag lagu sheegey in ay yihiin gangis ama jamaljaan isku xiran lehna hugaamin u gaar ah iyo dhaqaale u gaar ah kuwaasoo bulshada dhibaato ku hayey.

Genanka xukuma guutada hawlgalka sameysey ninka lagu magacaabo cabdulaahi cali caanood ayaa eedeyn usoo jeediyey qaar kamid ah booliska gaar’ahaan saldhiga afar-irdood oo sida uu jenanku sheegey wax yar’uun u jira meesha laga soo qabqabtey ragan lagu sheegey gungiska isagoo sheegey in ay madaxda sare ee dawlada ku ashtakeyn doonaan,meeshana laga wada bedeli doono iyaga iyo cid kasta oo wixii loo igmadey kasoo bixi weysa.

Goobta wax lagu soo bandhigayey ayaa waxaa joogey qaar kamid ah ciidamada amisom oo uu caanood sheegey in ay u kaalmeynayaan,illaah ayaa kaalmo lehe jeneral caanood ayaa sidoo kale sheegey in hal askeri kaga dhaawacmey soo qabashada burcada gangistarada ah waa sida uu yiri jen caanood.