Kulankaan ay wada qaaten Madaxweynaha soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha dalka itoobiya ayaa waxaa uu ahaa mid ay kaga hadlayeen sidi dib loogu soo celin lahaa Amaanka Dalka soomaaliya.
Wada hadalka Ra’iisul wasaaraha itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu soconayay muddo saacada ah.
Kadib Markii Uu soo idlaaday wada hadalka labada dowladod ayaa waxa ugu horen saxaafada la hadlay ra’iisul wasaaraha itoobiya sheegana inay isaga iyo madaxweyne Gurguurte inay isku Af garteen qodobo muhiim u ah labada dal ee diriska ah ee soomaaliya iyo itoobiyo.
Sido kale Ra’iisul wasaare xayla maryam mar uu ka hadlayay dagaalka lagula jiro xarakada mujaahidinta al-shabaab ay meel wanagsan mareyso hambalyana uu u dirayo ciidamadoda ku sugan gudaha soomaaliya.
Xayla maryam ” ciidamadeena ku sugan gudaha dalka soomaaliya waan ka soo saari doonna hadi ay soo gaaraan ciidama AMISOM balse inta ay ka imanayaan goobaha aan iminka gacanta ku heyno oo aan ku wareejineno waan sii joogi doonnaa” ayuu yiri.
Inta kadib waxa hadalka qaatay madaxweynaha soomaaliya Mudane Xasan shiikh waxa uuna dhankisa sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu soo booqday iyo kulanka uula qaatay Ra’iisul wasaaraha itoobiya mr xayla Maryam.
Madaxweyne xasan shiikh sido kale waxa u sheegay in kulankoodu uu ku soo idlaay is fahan iyo sidii loogu talagay.
Si kastaba ha ahaate kulankan ay wada qaaten madaxweynaha soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha itoobiya ayaa waxa u noqonaya kulanki ugu horeyay ay yeshan labadani mas’uul lamana oga inu hergali doono qodobada ay ka wada hadleen.




