Isbitaal ay hirgelisey dawlada turkiga Al-shifa oo xariga laga jarey mudo hal sano ah kadib.

0
501

Isbitaal loogu magac darey Al-shifa oo ay hir gelisey dawlada turkiga ayaa xariga laga jarey kadib markii mudo hal sano ah dhismahiisu qaatey isbitaalka ayaa waxaa la sheegey in ay imanayaan dhaqaatiir turki ah bil kasta labo jeer ah iyagoo sameynaya qaliinada dalka gudihiisa wax looga qaban waayey.

Isbitaalka oo ka kooban dhawr qeybood ayaa waxaa laga dhisey meel aan badda waxba ka xigin oo doonyo iyo maraakiibta yar yari kusoo xiran karto,waana isbitaal sida la sheegey ay wax ku baranayaan ardeyda jaamacadaha sidoo kale waxaa laga yaabaa in laga leeyahey dano kale oo qarsoon,dad ayaana waxey shaki ka qabaan in isbitaalkan loo dhisey ganacsiga xubnaha aadanaha,maadaama aysan jirin dawlad xoog leh oo la socota hawlaha uu isbitaalku qabanayo.

Isbitaalka ayaa bilaabey adeegiisa maantaba iyadoo lagu bilaabey dadka qaxootiga ah oo aan daryeel caafimaad heysan lana sheegey in adeeg kasta oo cisbitaalkani qabto waa lacag la’aan,waxeyse su’aashu tahey ma la aamini karaa isbitaal dawlad ajnabi ahi maamuleyso oo aan cidina koontarooleyn ama illaalineyn?waxaase la gudboon cid kasta soomaalidu in aaney iska aaminin ee ay foojignaadaan intii tabartood ah.