Sh.Axmed Madoowe Oo Dhagaha Ka Fureestay Amarkii Madaxweyne Gur Guurte.

0
491

Iyadoo Ay Horay Amar Kaga Soo Saareen Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya In Aan Wax Dhuxul Ah Laga Dhoofin Karin Gudaha Dekadda Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolkaasi Jubbadda Hoose Halkaasi Oo Ay Horey Xarakada Shabaab Dekedaasi Ka Daabuli Jireen Dhuxusha Islamarkaana Ay Lacago Farabadan Ka Heli Jireen.

Kadib Markii Ay Dowladaha huwanta Iskaashanaya Ay La Wareegeen Gacan Ku Heynta Magaalada Kismaayo Ayaa Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya Waxa Ay Wareegto Ka Soo Saareen In Aan Dhuxusha Laga Dhoofin karin Dekada Magaalada Kismaayo Taasi Oo Ay Xitaa Soo Dhaweeyeen beesha Caalamka Balse Haatan Ay U Muuqato In Aynu Hir Galin Amaradii Ka Soo Baxay Dowlada Soomaaliya

Dekada Magaalada Kismaayo Ayaa Waxaa Si Toos Ah Kaga Socdo Dhoofinta Dhuxushii Ku Keydsaneed Baqaaraha Dekadaasi Waxaana La Sheegay In Uu Amarka Lagu Dhoofinayo Dhuxushaasi Uu Soo Saaray Axmed Max’ed Islaam Axmed Madowe Oo Ah Hogaamiyaha Ururka Raas Kambooni

Axmed Madowe Ayaa Waxa Uu Buriyay Amarki Madaxda Dowalda Oo Aheyd In An Wax Dhul Ah Laga Dhoofin Karin Dalka Soomaaliya Taasina Waxa Ay U Muuqataa In Uu Axmed Madowe Ka Amar Qadanin Masuliyinta Sare Ee Dowlada mar Haddi Uu Dhuxushii Laga Soo Saaray Amarka Uu Ka Tilaabsaday.