Guriga uu ka degenyahey kismaayo sh axmed madoobe oo caawa la weerarey.

0
527

Wararka naga soo gaaraya kismaayo ayaa waxey sheegayaan in la weerarey guriga uu degenyahey sh axmed madoobe oo ah gudoomiyaha kmg ee gobolka j/hoose.

Weerarkan ayaa waxaa la aaminsanyahey in ay soo qaadeen xarakada al shabaab isla markaana waxaa la sheegey in leys weydaarsadey rasaas iyo hub culculus,islmarkaana waxey shaki gelineysaa dhacdadani maamul u sameynta gobolka oo ay dhinacyo kala jiidanayaan iyadoo dhawaan m/weyne gurguurte uu ku darey sadex xubnood xubnihii ka socdey axmed madoobe kuwaasoo loo igmadey in ay indha indheeyaan sida wax u socdaan iyagoo wakiil ka ah dawlada dhexe ee federalka soomaaliya,halka xaalufkii dhir gubida iyo dhoofinta dhuxushu uusan kala joogsi laheyn oo uu wali sidii isaga socdo dhegahana laga fureystey amarkii qaramada midoobey ee sheegayey in la joojiyo dhuxusha kismayo laga dhoofinayo,iyadoo m/weyne gurguurtana uu hada ka jeestey arintaas kadib markii ay u yimaadeen wafti uu usoo direy sh axmed madoobe oo uu hugaaminayey sh/muqtaar dheere.

Maahan markii ugu horeysey oo ay arbush iyo weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ahi kasoo wajahaan alshabaab ciidamada huwanta isbaheystey ee kismaayo qabsadey waxaana dhici karta in aan nabadba lagu degenaan kismaayo iyo nawaaxigeeda inta ciidamo ajnabi ahi joogaan ciidda soomaaliya.