Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen xubnaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed,uuna shirgudoominayey kusimaha gud.xmjs ahna gud.kuxigeenka xmjs md cali maxamed nuux timajilic ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey ra’iisalwasaaraha cusub cabdi faarax shirdoon (saacid).
Xmjs ayaa sidoo kale waxey mahad u celiyeen m/weyne xasan sheekh oo doortey ra’iisalwazare cabdi faarax shirdoon,iyadoo laga codsadey xubnaha baarlamaanka in ay ka gudbaan kana fogaadaan waxyaabihii aan soo arki jirney ayna ogolaadaan ansixiyaana ra’iisalwasaaraha iyo xukuumadiisaba.
Ugu danbeyntiina waxaa laga codsadey ra’iisalwasare saacid in uu ka fogaado siyaasiin kasoo qeybgaley xukuumadihii hore ama shaqsi wata dakano siyaasadeed ama qabyaaladeed,isla markaana uu soo magacaabo xukuumad xubnaheedu cusubyihiin aqoon iyo karti leh,una badan dadka gudaha dalka joogey iyo qurbajoogta u dhuundalooshey xogta rasmiga ah ee dalka ka jirta,sidaas darteedna waxaa loo rajeeyey madaxda cusub ee dalka guul iyo horumar insha allaah.