Waxaa indhawaalaba ka taagnaa gobolkan banaadir khal khal xaga amniga ah sidaas awgeedna hawlgal ay fuliyeen ciidanka booliska ayaa lagu qaadey meelo ka mid ah deg.hodan ee gobolka banaadir.
Hawlgalkan ayaa sida la sheegey waxaa lagu soo qabqabtey dad gaaraya 300 qof kuwaasoo isugu jira kuwo hub laga heley guryihii ay degenaayeen,kuwo laga shakiyey iyo kuwo leh astaamo ay ciidamadu yaqaaniin taasoo lagu kala saarey saldhigyada ciidanka booliska gobolka banaadir.
Waxaana ugu danbeyntii saxaafadda la hadley taliya ciidanka boliska gobolka banaadir gen.axmed xasan maalin iyo afhayeenka ahna taliyaha hugaanka denbi baarista gen/c/hi xasan bariise iyagoo sheegey in ay amniga gobolkan wax ka qabandoonaan hadii alle idmo.