Xasan sheekh Madaxweynaha federaalka Soomaaliya MudaneXassan Shiikh Maxamuud ayaa kulamo la qaatey qaar ka mid ah madaxda dalalka Soomaaliya dariska la ah.
Xasan Gur Guurte Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatey Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, waxaana ay ka wada ahdleen xaaladda dalka Soomaaliya.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa ka dhacay dalka Uganda halkaas oo maanta looga dabaaldegayo xornimada Dalka Uganda.
Tani ayaa noqonayaa kii u horeeyey ee Madaxweyne Xassan la yeesho Madaxweyne Kibaki, Waxay ahayd doorashadiisa maalin kadib markii Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya uu magaalada Muqdisho kulan kula qaatey Madaxweyne Xassan inkasta oo shirkii oo socda weerar lagu sooqaadey kaas oo dhaliyey khasaare ballaaran.