”Sh.Abu-Muscab” Cadowga Alle Waxaan Ka Dilnay 11 Askari 19 kalena Waan Ka Dhaawacnay’ Muslimiintana Waa Inay Cadowga Caro Iyo Colaad U Qaadaan.

0
548

Sheekh C/casiis Abu-muscab Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo galabta Shir jaraa’id u qabtay War Baahinta Ku Hadasha Afka Al-shabaab ayaa ka waramay Dagaal culus oo manta ka dhacay duleedka Balidoogle halkaas oo uu sheegay inay Khasaare xoog leh ugu geysteen Waxa Uu Ugu Yeeray Cadawga dalka kusoo duulay .

Abu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen11 ka tirsan Ciidamado iskugu Jira Yugaandhays iyo Kuwa Soomaalida

Waxa Uu Kaloo Sheekh Abu-muscab sheegay in ay Dhaawaceen 19 kale, iyadoona Gaari Beebe ah ay dagaalyahanada shabaabul- Mujaahidiin gubeen Meeshana Uu Ku Basbeelay Sida Uu Sheegay Afahayeenka Dhanka Ciidmada Xarakada al-shabaab.

Afahayeenka ayaa sidoo kale ka waramay Dagaallo habeenadii lasoo dhaafay ka dhacayay xaafado ka mid ah deegaanka Madiino ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Ciidamada Lix wadan oo kusoo duulay Soomaaliya ay ilaa hada ku fashilmeen inay Mujaahidiinta ka adkaadaan.

Ugu dambeyntii sheekha waxa uu ugu baaqay Dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolada soomaaliya in ay Diintooda ku dheganaadaan Cadawgana aysan marnaba xiriir la samaynin ee ay Caro iyo Colaad u qaadaan sida uu ku waramay afahayeenka dhanka ciidamada al-shabaab Abu-muscab.