Labadan wariye oo lagu kala magacaabo qadar iyo jaamac ukun ayaa ah wariyeyaal u kala shaqeynayey idaacada goobjoog iyo jaamac ukun oo ah wariye magaalada kismaayo uga soo warami jirey wakaalado iyo idaacado kala duwan.
Waxaa la sheegayaa in labada wariye mid kamid ah oo u shaqeynayey idaacadda gobjoog oo lagu magacaabo qadar la jir diley xaalad halis ahna ku suganyahey kadib markii isagoo shaqadiisa kasoobaxey ay rag dharcad ahi ku yiraahdeen kaaley soo fuul gaari ay wateen dabadeedna uu diidey halkaasoo inta la jirdiley si qasab ah baabuur loogu ritey dabadeedna lagu xirey xarunta nabadsugida qaranka soomaaliya,halka wariyaha kale oo lagu magacaabo jamac ukun isaga lagu heysto in uu kismaayo ka yimid,iyo isagoo warar la xiriirta xaalada kismaayo siiyey idaacado iyo wakaalado,waana caddaalad daro in qof isaguba lafihiisa la soo cararey,dawladiisii soo hoos galey la xiro,iyadoo aad moodo hey’adaha amnigu in ay iska indhatiraan sharciga iyo qawaaniinta dalka oo aysan garaneyn wax aan aheyn in qofka la qabto oo la xiro si tuhun ah,waxaa banaan qaabab farabadan oo hey’adaha amnigu ay ku xaqiijiyaan in shaqsigani ku sifeysanyahey denbiga lagu tuhmey iyo in kale,saxna maahan war kasta oo loo soo sheego in ay rumeystaan ee waa in ay dabagalaan lana xaqiijiyo warka laga soo sheegey.
Ilaa hada ma jirto wax ka hadley xariga wariyaashaan oo ay dhici karto in ay ka danbeeyaan qaar mihnada la wadaaga oo aan dooneyn in ay si cad oo bareer ah u yiraadaan aniga ayaa ku dacweeyey kuguna cadeynaya denbigaan oo aad hore u gashey ama denbigan ayaad geli rabtey,taas oo tuhunada meesha ka saari laheyd,xitaa lama maqal ururada sheega in ay saxaafada kulmiyaan oo difaacaan,taasoo iyaduna ah nasiib daro inteeda la’eg oo aysan muuqan dariiq looga baxo.




