Ra’iisul Wazaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Maalinta Barito Ah Lagu Waddo In La Horgeeyo Baarlamaanka.

0
553

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wazaaraha Cusub Oo Uu Magacaabay Madaxweyne Gur Guurte ayaa lagu wadaa in uu maalinta berri ah hortago baarlamaanka si loo Diido Qorshahiisa ama loo ansixiyo.

Maalintii Axadda oo shirkoodii ugu dambeeyey xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxa ay ka codsadeen in raysalwasaare Saacid uu ku hor-yimaado Baarlamaanka muddo laba maalmood gudahood taas oo ku beegan maalinta berri oo Maalin Arboco Ah.

Mr.Saacid ayaa la magacaabey 06 Okt, weli looma dhaarin xafiiska waxaana shaqada sii wada Dr.Gaas
.
Xassan Shiikh Maxamuud Gur Guurte Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada qorshe kalsoonida uu ku heli karo Raysalwasaare Saacid, waxaana uu kulamo gooni ah la yeelanayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.