Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si rasmi ah ulla wareegay Airporka muhiimka ah ee Balidoogle eek u yaal gobalka Shabeelada Hoose, Airporkan ay horey u lahaan jireen ciidamada Militarigii Soomaaliya ayaa ah mid ay horey u isticmaali jireen Xarakada Shabaabul mujaahidiin.
Huwanta iskaashanaya ee AMISOM iyo kuwa Dowlada Federaalka ayaa kusii wajahan magaalada Baydhabo, si markaasi la isugu xiro magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho, qorshaha militari ee lagula wareegayo jidka isku xira Baydhabo iyo Muqdisho ayey Saraakiisha AMISOM sheegeen inuu ku socdo sidii loogu talo galay islamarkaana ay haatanba socdaan hoolaha.