Qarax bamka nooca gacanta laga tuuro oo ay wax yeelo ka soo gaartay 2 qof oo isugu jira shacab iyo askar ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaas oo lala beegsadey ciidanka amaanka.
Labadaani ruux ee dhintey mid ka mid ah waxa uu ka tirsanaa ciidamada amaanka, halka kan kalena ahaa qof rayid ah oo ka agdhawaa goobta qaraxa lagu weeraray.
Qaraxaasi ayaa Sidoo kale waxaa ku dhaawacmey dad kor u dhaafaya 10 qof.Weerarka ayaa dhacaymakhribnimadii xalay markii dad badan ay xireen goobohoodi ganacsi, waxaana uu ahaa mid qorsheysan oo lala beegsanayey ciidamo roondo ka hayay halkaasi.
Axmed Maalin Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Banadir ayaa sheegey in baaritaan ay sameeyeen ay ku soo qabteen saddex qof kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ka danbeeyeen qaraxyadaas.
Qaraxyada lala eeganayo askarta dowlada soomaaliya waxyeelada badana ay ka soo gaaraan dadka shacabka ah ayaa ku soo kordhaya suuqa bakaaraha iyo qeybo badan oo ka tirsan magaalada muqdisho hase yeeshee shacabka aan waxba galabsan laguna dul hardamayo ayaaa waxaa u sii dheer in ay ciidamada dowlada u geestaan jir dilo iyo xabsi in ay u taxaabaaan kuwaasi ay ciidmada mar marsiyo ka dhigtaan in ay wax ka ogyihiin falalkaasi ka dhaca muqdisho.