Wafti uu hugaaminayey xoghayaha guud ee urur goboleedka Igad mahbub moalim oo dalka soo gaarey ayey madaxweynaha uga warbixiyey siyaasada iyo amniga,isla markaana maamul loogu sameyn lahaa meelaha ay dawladu gacanta ku dhigtey.
Waxaa indhawaalaba la hadal hayey shir ka socdey dalka kenya magaalada nairobi kaas oo la sheegeyey in maamul loo sameeynayo gobolada jubooyinka taas oo uu ka dhawaajiyey mr mahbub moalim hase yeeshee lagu diidey,islamarkaana uu mahbuub sheegey in ay dawlada soomaaliya garab taaganyihiin siina caawin doonaan.
Ugu danbeyntiina waxaa leys ku afgartey in maamul u sameynta meelaha laga qabsadey alshabaab looga danbeeyo dawlada somaaliya ayna iyadu xaq u leedahey maamul u sameynta gobolada iyo degmooyinka dalka,isagoo xoghayaha urur goboleedka Igad mr mahbuub uu si nabad ah uga ambabaxey dalka,kuna laabtey dalka kenya oo uu hore uga yimid.




