Qarax Xoogan oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan DF iyo kuwa Raaskambooni ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Qaraxan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso laguna weeraray maleeshiyo ku sugnaa Maqaayad ka horjeeda Xarunta Degmada ee Magaalada Kismaayo Iyadoona Ay Qasaaro Geysatay Qaraxaasi.
Sida Wararka ay sheegayaan aay Waxaa ku dhinteen 4Ka Tirsan Ciidmada Dowladda In Ka Badan lix Ruuxna ay ku dhaawacmeen iyadoo qaraxa kadibna ay Ciidmada Dowlada fureen rasaas badan An Wax Qasaaro Ah Soo Gaarsiinin Dadka Shacabka Ah.
Howlgalo Ay Ciidmada Dowlada ka sameeyeen xaafadaha Magaalada dad rayidahna saldhiga ayay u taxaabeen iyagoo raadinaya xoogagii ka dambeeyey weerarkaasi Qaraxa Ah.




