Masjidka isbaheysiga islaamka muqdisho oo shabbahaya masjidul aqsaaga ku yaal Qudus.

0
570

Waxa ay dad badan oo caalamka islaamka ku kala nool ay shaashadaha ka arki jireen masjidul aqsaa oo askarta israa’iil ku hareereysanyihiin isla markaana muslimiinta doonaya in ay ku cibaadeystaan loo diidayo qaar halka qaarna loo ogolaanayo kadib marka ay fatashaan askarta yahuuda,halkaas oo mararka qaarkood ay rasaas ku furaan muslimiin usoo cibaado doontey masjidka barakeysan ee masjidul aqsaa.

Hadaba waxaa xusid mudan in maanta oo ciid aheyd la arkayey askar gaalo ugandheys ah oo muslimiintii feyl geliyey fatashaya oo siday doonaan dadka ka yeelaya,war ma waxaa la waayey soomaali masjidka amnigiisa sugta oo muslimiinta nabad gelyadooda suga maxaa laga wadaa ilhaanada nuucaan ah ayuu yiri mid kamid ah muslimiintii masjidka isbaheysiga usoo tukasho tagey dabadeedna markii uu u adkeysan waayey feylka dheer iyo fatashaada ugandheyska ka laabtey masjidyo kale oo uu ku tukadana aadey isagoo aad u careysan.

Isu ekaanshaha masaajidyada isbaheysiga islaamka oo muqdisho ku yaal iyo masjidul aqsaa oo Qudus ku yaal ayaa imanaya iyadoo daliil laga dhiganayo in ay ka dhici karaan qaraxyo iyo ismiidaadmin ay geystaan xarakada alshabaab,iyadooba la dhihi karo sida maanta jawigu ahaa ayaa alshabaab hadey rabaan in ay isku qarxiyaan sidii caadiga aheyd sababtoo ah dadkii ayaa laysu ururiyey askarna lasoo dhextaagey waa xaqiiqo in ay uga wanaagsantahey markii dadka masjidka irdihiisa lagu baaro dadka,waana arin qatartiisa leh oo ay haboontahey in laga fiirsado.