Xaflad xariga looga jarayay suuqa bacadlaha ee Dagmada X/weyne soona qabanqaabiyay maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay gudaha magaalada muqdishi.
Suuqa bacadlaha ee Dagmada X/weyne Ayaa goor dhow la dayactiray munaasabadeeda furitaanka ah ayaa waxa ay maantay ka dhacday Hotel Sity Balaasa oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.
Xafladaaani ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madax ka socday Maamumulka gobalka Banaadir,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,ganacsatoiyo Marti sharaf Aad U Farabadan.
Inta Lagu Guda Jiray Munaasabaasi Ayaa Waxaa Loo Qori Tuuray Ganacsatada dooneysay inay halkaasi ku ganacsadaan waxana loogu qori tuuray Numbaro ay ku qornaayeen qolalka uu ka koobanyahay Bacadlaha Suuqa X/weyne iyadona uu ganacsade kasta uu helay qolka uu Ka Furan Kara Wuxuu Doono.
Max’uud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho oo goob joog u ahaa Munaasabada ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ganacsatada ay ku qancaannasiibkooda maadaama ay ayagu la baxeen Numbarada,
Cali Axmad Guure Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada iyo arimaha bulshadda oo Isna Sidoo Kale ka hadlay intii ay socotay munaasabadaa ayaa waxa uu tilmaamay in wax waliba ay cadaalad Ku Dhacday.




