Mudane:Timajilic Oo Muslimiinta Caalamka Hawada U Mariyay Hambalyo Ku Aadan Maalinta Ciida.

0
498

Cali Max’ed Nuux Tima Jilic Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Oo Shir Jaraa’id U Qabtay Saxaafada Ayaa Umadaha Muslimiinta Caalamka Uga Hambalyeeyay Maalinta Ciidul Adxa Oo Ku Beegan Maalinta Bari Ah

Cali Tima Jilic Oo Shirkiisa Jaraa’id Kaga Hadlay Guud Ahaanba Maalinta Ciida Iyo Arimo Kale Oo Quseysa Tacadiayadaha Loo Geesanayo Dadka Masaakiinta Ah Isagoona Dhinacyo Badan Ka Tusay Shacabka Soomaaliyeed Shuruudaha Looga Baahanyahay Iyo Waajibaadka Saaraan Cid Walbo oo muslin Ah

Gudoomiye Ku Xigeenka X.M.J.S Mr.Tima Ayaa Ka Digay In Xoolaha La Qalayo Maalinta Ciida Ay Naqanin Xoolaha Xoolaha Wax Tarka U Leh Dalka Soomaaliya Sida Kuwa Uurka Leh Iyo Kuwa Yar Yar Isagoona Xusay In Uu Alle Kugula Xisaabtamayo Haddii Aad Ku Kacdo Falalkaasi Xun Waxa Uuna Wazaarada Xanaanada Xoolaha Ugu Baaqay In Ay Koontaroolaan Xoolaha La Qalayo Maadaama Ay Iyagu Saarantahay Masuuliyada Xanaaneynta Xoolaha

Dhinaca Kale Tima Jilic Ayaa Soo Hadal Qaaday Xasuuqii Ay AMISOM U Geedteen Dad Shacab Ah Kuwaa Oo Ku Safrayay Gobolada Dalka Soomaaliya Qaar Ka Mid Ah Iyo Xoolo Farabadan Oo Daaqayay Deegaanadaasi Isagoona Hawada U Mariyay Cambaareyn Aad U Weyn Waxa Uuna Tima Jilic Madaxda Sar Sare Ee Dowlada Ugu Baaqay In Ay Indha Ka Fiirsanin Dowladahaani Shisheeye Ee Laaynaya Maatida Soomaaliyeeed Maadaama Ay Mas’uuliyada Shacabka Soomaaliyeed Ay Iyagu Qaadeen

Hadalkaani Ka Soo Yeeray Madaxweyne Ku Xigeenka X.M.J.S Cali Max’ed Nuux Timajilic Ayaa Imaanaya Xili Maalinaka Bari Ay Umada Muslimiinta Caalamka Si Wada Jir ah U Ciidayaaan Maalinka Ciidul-Adxa.