Augustine Mahiga Ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan ayaa warsaxaafadeed ka soo saarey dilalka loo geysanayo suxufiyiinta isaga oo si gaar ah uga hadley dilkii maalintii shalay loo geystey Weriye Axmed Saakin oo ka shaqeynjirey Telefishanka Universal oo ka mid ah Telefishanada Soomaalida.
Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in uu si ba’an u canbaareynayo weerarada foosha xun kuwaas oo la isku dayayo in lagu aamusiyo saxaafadda
”Mahiga Ayaa Yirri” Waa in la joojiyaa weeraradaaslagu bartilmaameedsanyo wariyayaasha waana in ay baaraan denbiyadaasi maamulada Somaliland iyo Somaliyaba, ayuu yiri Dr.Mahiga ergayga Qaramada Midowe Somalia.
Dr.Mahiga ayaa sidoo kale tacsi u direy qoyskii iyo qaraabadii uu uu ka baxay Wariye Axmed Faarax Ilyaas, sidoo kale waxa uu caafimaad u rajeeyey Weriye Tuuryare oo dhawaan lagu dhaawacey magaalada Muqdisho kana badbaadey dilkii qorsheysnaa ee la isku dayey in lagu fuliyo inkasta oo xaaladiisu khatar weli ku jirto.
Soomaaliya ayaa ah meelaha ugu khatarta badan adduunka ee suxufiyiintu kahawlgalaan, sanadkan oo keliya ayaa lagu diley ku dhawaad 20 suxufi, waxaana la dhawaacey qaar kale oo badan Kuwaasi Oo Dhamaantood Ka Howlgali Jiray Warbaahi Ka Howlga Soomaaliya.




