Ciidamada huwanta Amisom oo madaafiic la dhacey dhul hawd ah dabadeedna madfac la heley gaari dad shacab ahi saaranyihiin..!

0
506

Dagaal culus oo ka dhacey inta u dhaxeysa leego iyo yaaqbariweyne ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada huwanta la baxey Amisom ay ku laayeen dad reer miyi ah xoolo nool kadib markii ay madaafiic ku garaaceen dhul hawd ah iyagoon ogeyn cid ku nool,waxaana tii ugu dareyd ay aheyd markii uu madfac ku habsadey bass minibus ah ama soomaalidu u taqaan caasi kaas oo ay saaraayeen dad safar ah,iyadoo la sheegayo in ay halkaa ku dhinteen ilaa 7qof oo rayid ah halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ururada xuquuqul insaanka,xisbiyada dalka qaarkood ayaa ficilkan cambaareeyey iyagoo caalamka ugu yeerey in ay soo eegaan tacadiyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay geysanayaan ciidamada huwanta soomaaliya ku sugan,isla markaana weydiistey afrikaanka ciidamadoodu soomaaliya joogaan in ay joojiyaan talaabooyinkaas kuwo la mid ah,ayna talaabo ka qaadaan askarta sidaas sameysey,maxkamadna la saaro laguna ciqaabo xasuuqa ay geysteen ciidamada huwanta soomaaliya joogo.

Ficiladan ayaa la yaab ku noqdey dadka soomaalida ah ee garashada u saaxiibka ah iyo kuwa maan gaabka ahba,waxeyna imaneysaa iyadoo dhawaan dagaal goobtaas ka dhacey ciidamada uganda looga diley ilaa 4askeri halka xarakada alshabaab ay sheegeen in ay ka dileen ciidamada huwanta ilaa 11 askeri dhawr iyo toban kalena ka dhaawaceen.