Warsiirka arrimaha debedda talyaaniga iyo m/weyne xasan sheekh maxamu’d oo muqdisho ku kulmey.

0
504

Wafdi uu hugaaminayey wasiirka arrimaha debedda dalka talyaaniga ayaa booqasho ku yimid magaalada muqdisho isagoo salaan iyo xiriir cusub ka wada dalkiisa waxaana la sheegayaa in dawlada talyaanigu hadda ku soo baraarugtey ingriiska oo hawlo badan iyo dhaqaale ku bixiyey xalinta mushkilada soomaaliya.

Dalka talyaaniga oo gumeysan jirey koonfurta soomaaliya ayaa u muuqdey mid ka gaabiyey quusna ka joogey arrimaha soomaaliya,hase yeeshee waxaa hadda muuqda mudnaanta uu talyaanigu siinayo arinta soomaaliya waxeyna na tuseysaa heerka wufuuda uu maanta soo direy.

Wafdigan talyaaniga ayaa ku soo beegmeysa xilli uu ingriisku wado wada hadalo ay galaan waqooyiga iyo koonfurta soomaaliya oo hada kala ah labo dawladood oo isdiidan,in kastoo talyaanigu aysan ku dhawaaqin wax dhaqaale ah oo lagu taageerayo soomaaliya hadana waxaa la ogaan doona beryaha soo socda waxa odey talyaani soo kiciyey.