Madaxweyne Gur Guurte Iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Soomaaliya.

0
524

Xasan sheekh Gur Guurte Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey kadib markii safar saddex maalmood qaatey ay ku tageen dalka Uganda, halkas oo ay uga qaybgaleen maalinta xoriyada Uganda 50 guuradii ka soo wareegtey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garonka diyaaradaa ku soo dhaweeyeyGuddoomiyaha baarlamaanka Mudane Jawaari, raysalwasaaraha xilka ka degaya Cabdiweli Cali iyo Raysalwasaraha la magacaabey Cadbi Faarax Shirdoon.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu kulam kula qaatey dalka Uganda madax kala geddisan , waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha dalka Uganda iyo Mwai Kibaki Madaxweynaha dalka Kenya.

Xasan Gur Guurte ayaa markii uu ku soo laabtey saxaafadda u sheegay in safarkiisu ahaa ka qaybgalka 50 guuradii xoriyadda Uganda.

Soo laabshada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmeysa iyada oo maalintii shalay uu baaqdey kulan Xildhibaanada baarlamaanku ku dhegaysan lahaayeen barnaamijka waxqabad ee Rayslwasaare Saacid, waxaana dawladda uu hoggaamiyo Xassan Shiikh Maxamuud hor yaala dhisamaha xukuumaddii iyo ansixinta baarlamaanka.