Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in ciidamo kala taageersan maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb uu dagaal ku dhexmarey magaaladaasi.
Hardankaani dagaal ayaa kadhashey kadib markii ciidamo ilaalo uah Col.Cabdi Qaybdiid oo dhawaan loo doortey Madaxweynaha Galmudug uu halkaas tegey, waxaana dagaal kala hortey ciidamo kale oo Ximan iyo xeeb ah kuwaas oo diidan tegitaankiisa.
Goobahaasi lagu dagaalamayo wararka laga helayo ayaa sheegaya in khasaaro labada dhinacba ay soo gaartey taas oo isugu jirta dhimasho iyo dhawac.
Mr. Qaybdiid waa markii labaad oo cidiankiisu halkaas tago waxaana uu sheegay in uu la dagaalamayo burcadbadeeda halkaas ku sugan.
Deegaanka Hobto ayaa dagaalo kharaar ka dhaceen sanadkii 2007 kadib markii ay isaga horyimaadeen Malayshiyaad ka soo kala jeeda labada maamul ee Hobyo ku dagaalamaya.
Deegaannka Hobyo ee gobollka Mudug wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Gal mudug Ximin iyo Xeeb.