Ciidamada dalka kenya oo isgaarsiintii iyo korantadii ka jarey qaar kamid ah deegaanada jubooyinka.

0
531

Waxaa isasoo taraya tacadiyada ay ciidamada kenya u geysanayaa dadka soomaaliyeed iyadoo la sheegayo in ay hada keeneen waji cusub oo aan aheyn kii ay dalka kusoo galeen,iyagoo waqtiyadan danbe muujinayey cadawnimo ay u qabaan dadka soomaaliyeed lagana yaabo in ay dhahaan soomaali oo dhan waa argagixiso si ay caalamka uga gadaan waxa ay rabaan.

Ciidamada dalka kenya ayaa dalka soomaaliya kusoo galey si sharci daro ah markii danbana waxey dadaal badan u galeen in lagu daro ciidamada Amisom,mana jirin xukuumad fahmi kartey ujeedada ay la heyd kenya,waxeyna aheyd in xukuumadii waqtigaas jirtey ay caalamka tiraa ciidamada kenya waa in ay xuduudkooda ku laabtaan kadibna la ogolaado in ciidamada Amisom lagu daro,nasiib darro taasi ma dhicin waana mida keentey in ay dadka iyo dalkaba ula dhaqmaan sidii dhul ay qabsadeen,waxaana jira dad badan oo walaac ka muujinaya hab dhaqanka ciidamada kenya.

Ciidamada dalka kenya ayaa hore u geystey duqeyn cirka,dhulka,badda ah iyo xasuuq dad meel leysugu keeney oo la laayey ayna qirteen qaar askarteeda ka mid ah,lamana oga cawaaqibka ka imaandoona daandaansiga askarta keenyaanku ay waqtiyadan ku hayaan shacabka soomaaliyeed.