Madaxweynaha xibin iyo xeeb Maxamed aadan tiicey oo maanta warbaahinta la hadley sheegeyna in cabdi qeybdiid dagaalo cusub uu ka hurinayo deegaano nabdoon.

0
324

Madaxweynaha maamulgoboleedka xibin iyo xeeb maxamed aadan tiicey oo shir jaraa’id u qabtey warbaahinta ayaa sheegey in laga fiicanyahey fidno iyo dhibaato laga dhex abuuro dad wada degen oo nabad kuwada nool,isagoo ku eedeeyey dhigiisa galmudug cabdi qeybdìid in uu carqaladeynayo nabad iyo dadaal badan oo ku baxey deegaanka HOBYO.

Madaxweyne Tiicey ayaa intaa ku darey in maanta loo baahanyahey wax ka sareeya waxa c/qeybdiid dabada ku dhegenyahey,waana in aan anagoo wada jirna ka tashanaa sidii aan ku horumarin laheyn dhamaan gobolada aan wada maamulno,xaq uma laha in uu ciidankeena ku sheego burcadbadeed hadii uu burcadbadeed doonayo ama uu wax ka qabanayo gurigiisa ayey deris la yihiin ee haka bilaabo kuwa koonfurta galkacyo degen oo la wada yaqaan.

Maamulada xibin/xeeb iyo galmudug oo beryahan warbaahinta warar isu marinaya ayaa waxey imaneysaa kadib markii c/qeybdiid oo kormeer ugu socdey dekedda hobyo loo diidey ayna hor istaag ku sameeyeen ciidamada xibin iyo xeeb oo maamula deg. Hobyo,oo hore ay isugu dagaalameen beelaha ay kasoo kala jeedaan labada maamul,waa xibin/xeeb iyo galmudug.