Hugaamiyaha alqaacidda sh/ayman addawaahiri oo sheegey in caalamka islaamku ka aargudidoonaan filimkii lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed(C.S.W.S)

0
324

Warbixin ay soo saareen ururweynaha alqaacida oo la soo dhigey internetka ayaa waxaa lagu sheegey in ururweynaha ee alqaacida ay ka jawaabayaan filimkii lagu aflagaadeeyey diinta islaamka iyo subanaheena muxamed(c.s.w.s).

Hugaamiyaha alqaacidda sh/ayman adawaahiri oo maqal iyo muuqaalkiisa la soo dhigey barta internetka ah ay ku hanjabey kuna dhaartey in la dareemidoono aargudasho ay sameeyaan al-qaacidada caalamku,hore ayaa dalal badan laga dareemey debedbaxyo rabshado wata,balse Al-qaacida kuma kaaftoomin falalkaas waxeyna ku sheegen in aysan dhameyn xadkii loo baahnaa.

M/weynaha mareykanka barak obama oo filimkan ka hadley ayaa sheegey in aaney iyagu ka maamul ahaan raali ka aheyn filimkan iyo ficilada xun xun ee ka imaanaya gaalada kale balse xoriyada hadalka aysan faragelin karin taas dad badan oo islaamka aaminsani u arkeen gardaro garbo leh oo loo bareerey,hadalka obamana uusan u muuqan mid xaalada biyo ku shubayo in uu bansiin kusii daro mooyee.