Ciidamada huwanta Amisom oo la wareegey gacan kuheynta deg.yaaqbariweyne ee gobolka shab/hoose.

0
355

Waxa ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gob/shabeelada hoose in lagala wareegey gacan ku heynta deg.yaaqbariweyne xarakada alshabaab oo hore u maamuli jirtey inta badan degmooyin ka tirsan gob/shabelada hose.

Xakada alshabaab ayaa ku tilmaamey la wareegida deegaano badan oo lagala wareegey in ay uga baxeen xeelad dagaal guushuna ay iyaga u danbeyndoonta,isla markaana ay joogaan meel kasta oo ay gaalada soo duushey ay leeyihiin waan qabsaney waa sida ay hadalka u yiraahdeene.

Ma ahan markii ugu horeysey ee degmooyin lagala wareego xarkada alshabaab,balse la wareegida yaaqbariweyne ayaa imaneysa markii ay ciidamada huwantu sheegeen in ay la wareegeen garoonka balidoogle oo ah garoon istaraaji u ah ciidamada iyo degmooyinka uu ka koobanyahey gobolka sh/hoose.