Madaxweynaha galmudug cabdi xasan cawaale qeybdiid oo maanta ku hungoobey kormeer uu ku eegi lahaa dekedda HOBYO.

0
537

Warka naga soo gaaraya gobolada dhexe ee dalka soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay tageen wafdi uu hugaaminayey gen. Cabdi xasan cawaale si ay usoo eegaan bal sida wax looga qaban karo dekedda hobyo.

Wararka ayaa intaa waxey ku darayaan in cabdi qeybdiid oo watey ilaa lix gaari oo tikniko ah rasaas oodda looga qaadey dabadeedna ay si hal haleel ah uga soo baxeen hobyo kuna laabteen fariisinkoodi hore oo ahaa gaalkacyo,waxaana saxaafada la hadley wasiirkiisa warfaafinta Axmed Baasto,isagoo baasto sheegey in madaxweynaha iyo dadkii la socdeyba ay rasaaseeyeen wax uu ku sheegey Burcad-badeed,dhanka kale waxaa isaguna saxaafada la hadley afhayeenka maamulka xibin iyo xeeb Cumar Hagafeey,isagoo sheegey in cidda rasaasta ridey ay ahaayeen ciidamada xibin iyo xeeb oo arkey tikniko iyo ciidamo loo arkey in ay kusoo xadgudbeen xuduudka uu ka taliyo maamulka xibin iyo xeeb,halka uu axmed baasto uu rasaastaas dhabarka u saarey burcad badeed oo cumar hagafey wax laga weydiiyey wuxuu ku jawaabey:
waa nasiib darro in maamul dhan ciidamadiis lagu sheego burcad-badeed hase yeeshee taarikhda ayaa xusi doonta waxa uu baasto afkiisa ka sheegey,waana lagula xisaabtamayaa,waxa uuna intaas ku darey cumar hagafey afhayenka mamulka xibin iyo xeeb hobyo waa magaalo hore loogu diriray heshiis ayaana laga lahaa dadkuna hada ku wada dagenaayeen balse waxaa masuul ka noqonaya burburka balamihii laga lahaa cidii gaalkacyo kasoo duushey oo hobyo timid cabdina haduu dekedda hobyo qorshe u hayo waa in uu maamulka la hadlaa oo uu weydiisto wixii uu rabo,mana dhaheyno ciidamada beesha sacad waa burcadbadeed,ee waa in ereygaa raaligelin laga bixiyaa!.