Duqeyn ay sameeyeen diyaaradaha aan cidina wadin(drons) oo ka dhacdey deegaanka kulbiyow ee g/j/hoose!.

0
532

Waxaa isasoo taraya khasaaraha naf iyo maal ee ay maanta ka geysteen deegaanka kulbiyoow ee gobolka j/hoose,diyaaradaha aan cidina wadin kuwaas oo ay leedahey dawlada mareykanka balse la shaqeeya ciidamada kenya ee ku jira gudaha dalka soomaaliya.

Duqeyntan ayaa waxey sababtey dhimashada 3 hawen ah 2 caruur ah,sidoo kalena waxaa duqeynta wax ku noqdey 4geela la dhaqdo 2 lo’ah iyo hal dameer,duqeymahan oo ah kuwo joogto ah ayaa mar kasta waxey dhibaato gaarsiiyaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan,mana jirto cid ka garawda iyo cid ka hadasha marka la eego cida duqeymaha wada iyo kuwa sheega in ay shacabka gumaadka lagu hayo mas’uul u yihiin midkoodna.

Arimahan ayaa ah kuwo ay soo hadal qaadaan jaraa’idka iyo hey’adaha xuquuqul insaanka,waana kuwo ku kooban oo kaliya in warqada dusheeda lagu qoro,dibna aan wax leysaga weydiin,inkastoo ay dhici karto in mar uun wax leyska weydiiyo insha allaah.