Qarax Ay Ku Hoobteen Askar Iyo Saraakiil Kenyaan Ah Oo Gi Gilay Saldhig Ku Yaala Magaalada Mambaasa Ee Xarunta Dalkaasi Kenya.

0
474

Waxaa Isa Soo Taraya weerarada Qaraxyada ka dhanka ah dowladda Kenya Iyadoona Ay Qaraxyo Sil Silado Ah Lagu Weerarayo Goobaha Ay ku badanyihiin muwaadiniinta kenya.

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ayay gudaha Kenya ka dhaceen weeraro qorshaysan oo lagu beegsaday saraakiil ciidan iyo Askar katirsan Booliska Kenya islamarkaana ay ka soo gaareen Ciidmadaasi Qasaaro Isugu Jiro Dhimasho Iyo Dhawaac Iyadoona Qaraxii Ugu Dambeeyey Uu Maanta Ka Dhacay Saldhig Ku Yaala Magaalada Mambasa Kaasi Oo Waxyeelo Baahsan Ka Soo Gaartay Ciidmada Dalka Kenya.

Sida Uu ku soo waramay wariyaha Shabakada Warbaahinte Warsom U Joogo Dalkaasi Kenya ayaa sheegaya in 11 Askari Kenyaan Ah Ay Ku Dhaawacmeen Qaraxaasi Isagoona Xusay In ammaanka uu faraha ka sii baxayo waxaana jirta cabsi ah in saacad walba ay shacabka fishaan in ay raafaan askarta dowlada kenya maadaama ay waqti walbo askartaasi filanayaan Qarax Ka Dhan ah magaalooyinka waaweyn ee Kenya Sida Mambaasa Oo Ah Goobta Sida Sida Weyn Looga Dareemayo Qaraxyadaasi.

Dowlada Kenya Mas’uul U Hadlay ayaa sheegay in xoogagii weerarka geystay aan wali gacanta lagu soo dhigin balse lagu raad joogo

Weeraradaani Qaraxyada ah oo ay fulinayaan xoogag aan heybtooda la garaneynin ayaa ku badanaya gudaha wadanka Kenya wixii ka dambeeyay markii ay ciidanka Kenya ka Mid Naqdeen Duulaanka AMISOM Ee qeybo kamid ah dalka Somaaliya Ka Dgaalama.