Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federalka soomaaliya oo sheegey in jabhada ONLF,saldhig looga sameynayo kismaayo.

0
301

Wararka kasoo baxaya kismaayo ayaa sheegaya in la sameeyey wax loogu yeerey gudiyo maamul kmg ah kaas oo ka kooban gudiga maamulka oo axmed madoobe madax looga dhigey,gudiga amniga iyo nabadgelyada oo general saxardiidki ciidamada dawlada lagu magacaabey,iyo gudiga siyaasada iyo arimaha bulshada oo loo magacaabey ninka lagu magacaabo c/naasir seeraar,sedexda gudoomiye ayaa la sheegayaa in ay ku dhasheen gobolada qorexey,jigjiga iyo fiiq ayna yihiin hal qabiil.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federalka soomaaliya oo lagu magacaabo xuseen baantuu ayaa sheegey in kismaayo ay hada hooy u noqoneyso jabhada ONLF oo kasoo horjeeda dawlada ethopia mana fileyn buu yiri in kismaayo qabiil loo qabanayey,isagoo ka digey dagaal hor leh oo kismaayo ka dhaca, xildhibaan kale oo isaguna kasoo jeeda gobolada jubooyinka laguna magacaabo daahir amiin jeesow ayaa isaguna codsi u jeediyey taliyaha ciidana xoga dalka somaaliya gen.diini in gen.saxardiid gobolada jubooyinka laga soo qaado maadaama buu yiri isagoo taliyaha ciidamada ah uu maamulka kismaayo qeyb ka noqdey,meeshii laga rebey in uu dalka iyo dadka difaaco.

Xaalada kismaayo ayaa waxaa kasoo baxayey shaki iyo muran la xiriira ciidamada dawlada kenya iyo qabaa’ilkii ku dagaal sanaa dhawr iyo labaatan sano kismaayo oo kala jiidanaya maamulka gobolka iyo degmada kismaayo,ilaa iyo hadana kama hadlin dawlada dhexe ee soomaaliya iyo m/weyne xasan shekh maxamuud oo xaq u leh in ay xakameeyaan muranada sii badanaya.