Ahlu suna waljameecada gobolada jubooyinka oo ku eedeeyey AXMED MADOOBE.in uu kismaayo ka wado wixii ay ku dirireen isaga iyo alshabaab.

0
273

Ahlusunna waljameeca ee gobolada jubooyinka ayaa sheegey eedna u soo jeediyey sh axmed madoobe oo sheegta gudomiyaha ururka raas kaanbooni oo uu hugaamin jirey sh xasan turky,isla markaana aan hada la ogeyn meel uu ku suganyahey waa sh/xasan turkiye.

Mas’uuliyiinta ahlusunna ayaa sheegaya in axmed madoobe is laheysiinayo kismaayo oo uu hada billaabey dhul boob iyo in uu si gaar ah u qabsado meelaha muhiimka ah ee magaalada sida airporka,xeryaha ciidamada iyo meelo istiraateji ah,waana waxyaabihii ay ku dirireen buu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta ahlusunada gobolada jubooyinka oo diidey in magaciisa la sheego,waa arin keeni karta isku dhac iyo kala shaki mujtamaca dhexdiisa ah,hadii uusan axmed madoobe ka waantoobin hawlaha uu kismaayo kawado ayuu hadalkiisa sii raaciyey mas’uulkani ka tirsan ahlusunada gobolada jubooyinka.

Maahan markii ugu horeysey ee shakigan oo kale uu kasoo baxo gobolada jubooyinka waxaana hore usoo baxayey maamulo iska soo horjeeda iyo is riix riix xaga awooda iyo gacan ku heynta kismaayo salka ku heysa,mana jiro maamul iyo xeernidaam wali kasoo baxey dawlada federalka soomaaliya oo ah awooda keliya ee laga sugayo nidaamka iyo kuwada noolaanshaha kismaayo.