Dawlada mareykanka oo kordhisey hawlgalada ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada soomaaliya iyo yaman

0
499

Saldhiga uu ku leeyahey mareykanku dalka jabuuti ayaa warbixin uu ka qorey wargeyska lagu magacaabo washiton post waxaa ay sheegtey in dawlada mareykanku gaarsiisey hawlgalada ka dhanka ah waxa ay ugu yeeraan argagixisada ilaa iyo 16 duulimaan iyagoo isticmaalaya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan (drones).

Warbixinta ayaa tilmaameysa in wariye ka socdey wargeyska washiton post uu codsadey in la geeyo saldhigaas mareykanku ku leeyahey jabuuti loona diidey,balse generalka saldhigaas xukuma ayaa wariyaha ka ogolaadey in wareysi looga qaado meel ka baxsan saldhigaas loogu talo galey in lagala dagaalamo mucaaradka kasoo horjeeda dawladaha mareykanku wato ee ka jira soomaaliya iyo yemen looguna yeerey argagixisada caalamka alqaa’cida.

Saldhigan ayaa waxaa ku baxey qarash dhan 1.4 bilion oo doolar,isagoon mareykanku siin wax deeq ah kaabayaasha bulshada iyo hey’adaha dawlada soomaaliya,soomaalidu kama doodaan waxna iskama weydiiyaan waxa faa’iidada ah ee soomaalida kasoo gelaya dagaalka lagula jiro argagixisada waxa ay reer galbeedku ku sheegaan dawladaha ka dhisan soomaaliya iyo yemen waxba kalama socdaan duulimaadyada dalalkooda halgalada ka fulinaya xitaa waxeysan awoodin in ay hawada dalalkooda ku xisaabtamaan ama macluumaadka ay la wadaagaan dawladaha fulinaya hawlgalada ka dhanka ah argagixisada soomaaliya iyo yemen.