Waxaan la ogeyn sababta ka danbeysa ciidamo la sheegey in ay duulaan iyo weerar ku qaadayeen gobolka sh/dhexe balse soo laabtey kuna soo noqdey saldhigoodi hore oo ahaa degmada balcad.
Warar is khilaafsan oo laga helayo saldhiga ay kusoo laabteen ciidamada huwanta ayaa tilmaamaya in ciidamadu heleen xog la xiriirta khiyaano iyo gaadmo ay u diyaariyeen dagaalyahanada alshabaab iyo iyada oo amar kore ka heley madaxda ugu sareysa amisom oo sheegey in aan weerar dagaal la qaadi karin illaa iyo inta xukuumad laga soo dhisayo,si ra’iizalwasaaraha loogu cadaadiyo danaha laga leeyahey oo ah in uu ku daro xukuumada shaqsiyaad ay wadato dawladda uganda.
Maahan markii ugu horeysey ee ciidamada huwantu guluf dagaal ku qaadaan meelo ay ka talin jireen alshabaab laakiin weerarkan ayaa imanaya iyadoo laga dhur sugayo xukuumad uu soo dhiso ra’iizalwasaare SAACID oo dhawaan la filayo in uu ku dhawaaqo insha allaah.




