Dagaalo ka soo cusboonaadey deegaano lagala wareegey xarakada alshabaab.

0
493

Waxaa beryahan dib usoo cusboonaadey dagaallo iyo dilal lagu qaadayo ciidamada dawlada iyo kuwa huwanta Amisom,iyadoo xarakada alshabaab ay wacad ku mareen in ay beegsan doonaan ciidamada amisom iyo kuwa ay garabka siiyaan ee dawlada federalka iyagoo isla markaa sheegey in ay beegsanayaan shaqsiyaadka taakuleeya ama u adeega cadawga dalka kusoo duuley waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waxey dagaaladani kasoo cusboonaadeen deegaano hoos taga gobolka banaadir,shabeelada hoose,sh/dhexe,hiiraan,baay,bakool,j/hoose iwm,waxeyna niyad jab ku keentey arintani dawladaha caawiya amisom kuwa afrika ee ay ciidamadu ka joogaan iyo kuwo kale oo islahaa dagaalku wuu dhamaadey shabaabna waa laga guuleystey.

Dagaaladan iyo dilalkan ayaa kusoo beegmaya xili la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo xukuumada dr saacid oo aad u daahdey is qab qabsi awood qeybsi qabaa’ilka u dhaxeysa awgeed,iyo iyadoo ay dhawaan dileen xarakada alshabaab taliyihii guutada 5’aad ee ciidanka xoga dalka soomaaliya maxamed ibraahim gorden iyo askar kale oo la socotey jenanka la diley waa gen.gorden.